Utrecht:-Wariyayaasha ku nool dalka Holland, oo iskugu yimid kulan qado ah, ayaa ka dooday qaabka ay uga qeyb qaadaan karaan sidii looga shaqeyn lahaa nabad ka hirgasha Soomaaliya.
Kulankaan oo uu soo abaabulay Guddoomiyaha Ururka Isugu tagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed Daahir Cabdulle Calasow, ayaa saxafiyiinta waxey isla qireen in loo baahan yahay in door nabadeed oo muuqda ay Saxafiyiinta Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwo ku nool Holland ay ka ciyaaraan Arrimaha Nabadda ee Soomaaliya.
Wariyayaasha ku sugan Holland ee kulanka iskugu yimid, ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa wariyayaasha ku nool Holland iyo in ay ku dadaalaan sidii taageero loogu fulin lahaa wariyayaasha kale ee wali ku shaqeya xaaladaha adag ee ka jira Soomaaliya.
Guddoomiyaha Isku tagga Saxafiyiinta Soomaaliya Daahir Cabdulle, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la hubiyo Midnimada iyo Iskaashiga Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Wariyayaasha qadada lagu maamuusayay ciidul fidiriga ku yeeshay Dalka Holland, ayaa cambaareyn u jeediyay xarigga wariye Bile C/laahi Cali oo ku jira xabsi ku yaala Kampala, iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin illaa iyo hadda.
Xigasho Bar-kulan

